djibnet.com: Du Nouveau Sur Le Somaliland - djibnet.com

Aller au contenu

Page 1 sur 1
  • Vous ne pouvez pas commencer un sujet
  • Vous ne pouvez pas répondre à ce sujet

Du Nouveau Sur Le Somaliland le ministre anglais s'exprime Noter : -----

#1 L'utilisateur est hors-ligne   azraf Icône

  • Membre Avancé
  • PipPip
Groupe :
Membres
Messages :
1 234
Inscrit :
12-mai 03

Posté 29 octobre 2004 - 01:07

[B]A LIRE ABSOLUMENT


Wasiirka Arrimaha Afrika u qaabilsan Xukuumadda Ingiriiska, Md. Chris Mullen
BBC – Wasiirka Arrimaha Afrika u qaabilsan Xukuumadda Ingiriiska, Md. Chris Mullen ayaa waraysi ay la yeelatay Idaacadda BBC-du oo la baahiyay shalay, waxa uu kaga waramay waxyaabihii uu kala kulmay socdaalkii uu ku yimi dalka Somaliland horraantii toddobaadkan iyo aragtidisa ku wajahan dib u soo noolaynta Midnimadii burburtay ee Somaliweyn.

Mr. Chris Mullen oo ugu horreyn ka jawaabayey waxa uu kala soo hoyday socdaalkii uu ku yimi Somaliland, waxa uu yidhi; “Somaliland waxa ay ka werwersan tahay waxa ka soconaya Magaalada Nayroobi, waxana ay ka baqanayaan in beesha Caalamku ay dib ugu soo celiso kuwii ay gacantooda ka carareen, sidaas awgeed, ayaa ujeedada u weyn socdaalkayga waxa ay ahayd in aanu dib u xaqiijino in aan arrintu sidaa ahayn, waanan la hadlay labada aqal ee Baarlamaanka, waxan si cad ugu sheegay in aanay jirin cid Somaliland ku qasbaysa in ay Koonfurta dib ula midoobaan, laakiinse waa in aad wada hadashaan oo wada hadalo la gashaan, waayo deris ayaad tihiin, jeclaada ama ha jeclaanina waxana loo baahan yahay in la joojiyo aftahamada oo aad u diyaargarwodaan dib-u-heshiisiin, taasina, wax aaan ku dedaalaya in aan meel kasta ka muujiyo, shaki weyn ayaa la qabaa, kaas oo u baahan in wax laga qabto.”

Wasiirka mar la weydiiyay mowqifka beesha Caalamka oo ah Soomaaliya in ay tahay oo hal wadan isku ah, balse aanay Somaliland taas la qabin, waxa uu yidhi; “Waa sax, laakiin xaqaa’iqa dhulka ka jira yaan laga tegin, Somaliland waxa ay sameysay wixii aanu ka doonaynay oo dhan waxa ay dhiseen dal yar oo dimoqraadi ah, iyaga oo aan gacan ka helin Dibadda ayay wax qabsadeen oo waxa ay dhiseen dal burburay, dadkii burburiyayna waxa ay ahaayeen reer Koonfureed, aad bay uga werwersan yihiin wixii dhacay, waxana jira xabaalo-wadareed ay ku jiraan kumanyaal mayd ah oo aniga ayaaba soo arkay, Hargeysa waa la wada burburiyey dhisme kasta oo ku yaalla Magaalada wuu wada burburay, marka halkaasi laga yimaado waxa aad arkaysaa in meel hoose oo eber iyo wax la’aan ah ay ka soo bilaabeen, waana in aynu fahamnaa taariikhdaasi, mana doonayaan in lagu khasbo dad ay u arkaan in ay iyagu masuul ka ahaayeen wixii dhacay.”

Waxa kale oo Wasiirka Britan ee Arrimaha Afrika la weydiiyay in ay muuqato wax dib u heshiisiin ah oo ka hirgasha Soomaaliya marka loo eego kulankii uu Magaalada Nayroobi kula soo yeeshay Madaxweynaha Cabdillaahi Yuusuf Axmed, waxa uu yidhi wasiirku; “Waanu wada hadalay Cabdillaahi Yuusuf oo saacad ayaanu wada hadlaynay, waxa aanu aad uga werwersanaa soo celinta xasiloonida Koonfurta, waxana uu doonayaa in gacan laga siiyo dib-u-dhiska dalkiisa, waxa uu doonayaa in uu wad hadal la galo Waqooyi (Somaliland), waxa uu sheegay in uu ka xun yahay wixii hore uga dhacay Waqooyiga (Somaliland), waa mid fiican oo loo baahan yahay in laga dhabeeyo, isla mar ahaantaana aanu gacan ka geysano dib-u-dhiska Koonfurta, waxa ugu horreeya ee uu qabanoyo Madaxweynuhu waa in ay ahaataa sidii uu ula hadli lahaa Madaxda Ururada Soomaaliya, taasi oo xeelad u baahan, madaxweynuhu waxa uu u baahan yahay taageero in uu helo, laakiinse waxa aanu ognahay in uu ka dheregsan yahay xasaasiyadda taalla Somaliland, taas oo aan filayo in aanu sii adkayn doonin.”

Waxa kale oo Wasiirka la weydiiyay su’aal ahayd in Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya uu sheegay in uu doonayo dalka in uu dib ugu noqdo oo uu ka dego Magaalada Muqdisho in ay taasi tahay xaqiiq iyo in kale, waxa uu sheegay in ay taasi ku xidhan tahay qabanqaabada uu la galo Hoggaamiyayaasha Magaalada Muqdisho ka taliya, “Haddana waxa looga baahan yahay in ay taasi gacan ka geysato Beesha Caalamku,” ayuu yidhi, waxanu intaas raaciyay; “waxa loo baahan yahay in uu la hadlo Hoggaamiyayaasha Nayroobi jooga iyo kuwa Macquulka ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho sidii ay daryeel iyo ilaalo ay u siin lahaayeen Xukuumadda.”

Md. Chris Mullen, mar la weydiiyay Madaxweynaha Soomaaliya oo weydiistay midowga Afrika 20,000 oo Ciidan Afrikaan ah marka la eego sida Midowga Afrika ugu hawlan yahay Daarfuur, taasi in ay tahay caqli gal in loo diro 20,000 oo Ciidan ah Soomaaliya, waxa uu sheegay in aanay taasi ugu muuqan mid dhaboobaysa, “Waayo” ayuu yidhi; “Waxa suurtogal ah in dalka loo diro goob-joogayaal Caalami ah, Ciidamada shisheeye amar iyo kala dambayn ma soo celin karaan ee aakhirka waa Soomaalida laf ahaanteeda kuwa ay arrintaasi u taallo, laakiinse annaguna gacanta loo baahan yahay ayaanu ka geysanaynaa.”

Isaga oo ka jawaabaya mar la weydiiyay Dawladda Britain maxay kaalmo ugu talogashay Dawladda Soomaaliya, Md. Chris, waxa uu yidh; “Beesha Caalamku way doonaysaa in ay gacan siiso Cabdillaahi Yuusuf, balse waa in ay dhab ka tahay dedaalka la wado, beesha Caalamkuna ay aad uga soo shaqaysay, sidii meeshan haatan la joogo loo soo gaadhi lahaa, iyada oo haatan wada hadalo afar iyo toban jeer la soo qabtay, natiijadii ugu dambeysayna ay noqotay in la helo hoggaamiye magac leh, balse loo baahan yahay in lagaga shaqaysiiyo sida ugu dhakhsaha badan, waa in aynu dedejino oo aanu Qaboojino Cabsidda ka taaggan Somaliland oo welwel ka qabta Mustaqbalkooda.”




Jamhuuriya Online
ragna waa ragii hore ,hadalna waa intu yidhi!!

"l'occident est un accident,sa culture,une anomalie" roger garaudy.

"rien ne sert de partir à point, il faut courir." coluche
0

Partager ce sujet :


Page 1 sur 1
  • Vous ne pouvez pas commencer un sujet
  • Vous ne pouvez pas répondre à ce sujet