MUQDISHO, Sabti 27/12/03
Xisbi cusub oo la magac baxay mideynta iyo soo celinta shanta Soomaaliyeed ayaa shalay looga dhawaaqay Hoteel Daameey ee magaalada Muqdisho.
Xisbigaan cusub ayaa la sheegay inuu u howlgalayo sidii loo mideyn lahaa shanta Soomaalyeed, isla markaana xurgufta dhexmartay beelaha Soomaaliyeed meesha looga saari lahaa.
Xisbigaan ayaa waxaa guddoomiye ka ah Dr. Max’ed Max’ud Cilmi, iyadoo Xoghayaha warfaafinta uu ka yahay C/laahi Diiriye Cali oo loo yaqaano (Qabyaalad-diid).
(QARAN PRESS)
|Waa ummad midoo++Isku muunadoo+++Ay wada martaa |
|Maaweello dhaqan+Muslimoo ku hadli+Afkeygaa macaan|
|Magacaa qabiil+Iska maydhayoo++MABDA'WEYN KU SOCON|
| QabiilDiid: July'96 |
Page 1 sur 1
Xisbi Cusub Xisbi Cusub
#4
Posté 28 décembre 2003 - 11:13
Nabad !
Qabiildidoy, arin wayn weeye waxan aad no soo ban dhigtay anbo aad na xasuusisay. Taa oo ah dhiskaa iyo isku gayntaa shanta soomaaliyeedey.
Waan kugu raacsanahay iney qaabyaalaadu si aada u saamaysey ama ay burburisay ba mushtamaca soomaaliyeedey iyo dhamaan dadka ku nool geeska afrika.
Sidaad sheegtay xisbiganan aad abuurteen wuxu nagu dhiirigalinaya inaan isku gayno soomaalida. Marka loo tilmaamo soomaalida arimo weyn ama cadow dhinaca dabada kaga imanaya waxa dhici karta iney isla tashadanaan.
Hasa yeeshee ilamaha inaan ku midoobi karayno magaca soomaaliyeed uun. Gaar ahaane dhinacan jabuuti wax suurta galaya maha maadaama ay soomaali iyo canfari isla nool yihin.
Maagaca soomaaliyeed iyaan ku midoobi bay na qabyaaladana sidaasaan ku baabi'inaynaa, dhaqan ka cusub ay dowladaha galbeedku ay gaadheena (sida dimuquraadiyada,...) sidaasaan ku dajineynaa wax dhib yarna mahaa wado fiicanoo laisku howlona maha.
Bal ka waran hadaan ku midowno (Soomaali, Canfar iyo dhamaan muslimiitaa geeska afrika) magaca Eebe iyo diinta islaamka ?
Sidaan u gaadhno taana waxa nala gudboon inaan badino jacaylaada iyo waanaga dhexdeena.
Nabad galyo
DENA

"La véritable science enseigne par dessus tout à douter".
"On est submergé d’admiration face à une telle expression de démocratie au Mali et cet amour d’ATT pour sa patrie. (…) Ceci prouve à suffisance que les vrais démocrates ne sont pas ceux qui s’accrochent comme des chauves-souris au pouvoir en défigurant dangereusement leur constitution. Les vrais démocrates,sont ceux qui permettent à leur pays de mieux fonctionner, lorsque eux, ils ne seront plus aux affaires." Liberté,journal togolais.

#5
Posté 18 janvier 2004 - 09:09
Adduunyada midkaan
Laga maarmi karin
Maangaab ma garan!!
Waa ummad midoo
Isku muunadoo
Ay wada martaa
Maaweello dhaqan
Muslim oo ku hadli
Afkeygaa macaan!!
Maqacaa qabiil
Iska maydhayoo
Mabda'weyn ku socon!!
Hadal iyo murtina
Soomaalaay ismaqal
Magacaaga dhowr!!!!!
Dadku muunnad bay
Adduunyada ku mari
Muuqaal jiroo
Aan muran aqoon
Dhoobo aan marnaba
Musuq musuq dhexgalin
Mudug iyo Dayaxa
Maydhaa Barbara
Masaafaba ku dhaaf
Mudulahii Cali Sabiix
Wajeertaa macaluushay
Miyigii Dhagaxbuur
Markadaa badaheed iyo
Ganad oo marti joogto
Mulkigii dhulka weeye
Maamamkaa jire weeye
Gumeystuhu ku manneystay
In uu meeshuu doonno u leexsho
Qoqobkii madkhaleed
Maankooda ku beero
Ha yeeshee....
Midab saafiya weeye
Oo aan lahayn miid aan ku jirin
Meeshaan ahiyo
Magacayga guud
Madow iyo caddaan
Ka maseyrayaa!!!
Hadal iyo murtina
Soomaalaay ismaqal!!
Magacaaga dhowr!!!!!
Dhaqankeyga bal muudso
Maquuroo ku dabaallo
Macdanteeda adduunyo
Maasaleyba ma siisteen
Miyirbey u tirshaan
Maahmaah bay ku xiraan
Midhxiraalle ku siisa
Hadal waa margiye
Meel xun bay ka illaalin
Marinkay la rabeen bay
Sida maaha hillaaca
Mugdigaa ku ifshaan
Masal weeye qurxoon
Macnahay dihisaa
Makastaa doqomeed
Mayhaa kuma diirto
Ma garadlaawaa
Ku mashquula
Mafrishkiisa habeenkii
Miciyihiisa garaadka
Maqalkiisa digtoon
Dihinkaas ku marooja
Mala'awaarna ka dheer
Mareykan kiisa u weyn
Iyo waxa uu la halmaallo
Marka uu ku tilmaamey
Dhaqankeyga macduunka
Muftaaxii gabay weeye
Suugaan majliskeed
Naxwahaa muxuroobay
Baad sida muuska u diiran
Oo aad ku mabsuuddi sadayda!!!
Hadal iyo murtina
Soomaalaay ismaqal!!
Magacaaga dhowr!!!!!
Marinkii Islaam
Muslinnimo run iyo
Ummad aan lahayn mad'habo isxira
Oo midiyo qarsoon
Madaxood ku goyn
Waxay moogan yiin
Maalin aakhiroo
Mudane iyo marwaba
Maali iyo awood
Maro waxay qabeen
Laga maroojinoo
Malaa'igtu u tirin
Ifka waxay marsheen!!!!
Hadal iyo murtina
Soomaalaay ismaqal!!
Magacaaga dhowr!!!!!
Mowjadaa dhawaaq
Dhagahay muddaa
Miskaxbay dul tagi
Kala miirta oo
Macnahaa la bixi
Murtidana ku dhagi
Waa midhkaa afkuna
Mallaayiinta qofi
Waxwalboo murgacan
Mashaqada ka bixin
Isku mahadiyaan
Maasadana ku garan!!!!
Hadal iyo murtina
Soomaalaay ismaqal!!
Magacaaga dhowr!!!!!
Waa musbaaro qabiilku
Wadnahaaga mudaaya
Miinno weeye qarsoon
Madfacay kaashataa
Ma taqaanno walaallo
Miisaankaa qaldan weeye
Waa bidhaan ku marsiinni
Maylalkaa dhallanteed
Waligaa dhex mushaaxi
Wareegaa miyir diiday
Waa masiibo adduunyo
Mudacaa kugu yaalla
Waa malax daawo ka roori
Miyiba iska daayoo
Magaallooyin hallaagtay
Maatidii dhalladkaygana
Musas qaxooti ku xoortay
WAA MANHAJKAA CADDOWGEYGU
II SOO MARAYAA
MIDH MIDH IIGU UGAADHSAN!!!!
Hadal iyo murtina
Soomaalaay ismaqal!!
Magacaaga dhowr!!!!!
Muxurkii nabadeed
Beelahoo ismaqlaaya
Maammul dawlad haggaaya
Madinimo iska diiday
Qarannimo isku moosay
Mataamahaa iscasuumay
Midigtaa isa siiyey
Macallinkaa dugsigaa
Ardadaa ma baraaya
Mas'allooyin xisaab ah
Daawadii muruqii
Miskaxdaa kabiddeeda
Miisaskaa ma u saaray
Magaalooyin dhisaaya
Makiimadaa iswadaaya
Otomaatik micneeyey
Migagaa cirka duulla
Maraakiibtaa bedda joogta
Doonyahaa mukhurkooda
Nimcaddaa badda jiifta
Ma'hurraanka la boobay
U masuugey shisheeye
Oo malabsi dabar gooyey
Waa markhaati ma doonta
Tarankey muujisaa
Ilmahaa mitidaaya
Oo adduunka ka maqnaan
Marasho ha ku sheegin
Qalbigaa ku mirqaama
Waa mustaqbal yimid
Waa midho macaan
Waa malab iyo garoor
Waa cirkoo madow
Xareed muuqatiyo
Masago iyo galley
Maydhaxdii dhirtiyo
Dareemada muggaa
Madaxaa ka weyn
Ubax meel ka bixi
Udug maaha iyo
Cayayaan muldahan
Meel dheer ka iman
Mulac iyo abeys
Inta habar ugaadh
Maandeeq hashii
Sacaan maali jiray
Macashii ariga
Fardo midab ku dhacay
Naftu muhatayoooooooo!!!
Hadal iyo murtina
Soomaalaay ismaqal!!
Magacaaga dhowr!!!!!
Axmed Qabiildiid
--
|Waa ummad midoo+++++Isku muunadoo++++++++Ay wada martaa |
|Maaweello dhaqan++++Muslimoo ku hadli++++Afkeygaa macaan|
|Magacaa qabiil++++++Iska maydhayoo+++MABDA'WEYN KU SOCON|

#6
Posté 20 janvier 2004 - 10:20

kun shir baa loo qabtay, marka ay ka hadlayaan BBC-da waxaad mooda
dad wadani-nimo leh, lakin waa munaafiqiin iyo gacanku dhiigleh miidhan waxaa
doonaya inay ayoo aan iyaga dantooda ahayn ka taliyaan wayoo mid waliba dhul uu isagu ka taliyo ayuu samaystay.
yaan been laysku sheegin, somaalinimo way dhimaytay dadkii ay marka hore ka dhabta ahaydna taas way fahmeen wayna ka tashadeen.
marka xalku waa maxay?
isku day inaad ka jawaabtid
#7
Posté 20 janvier 2004 - 10:58
Assalamou Aleikoum
Soomaaliyeey nabad, soomaaliyeey nabaad
nabaad baa wanaag iyo naxariis ilaah iyo
nicmaad iyo barwaagalee, soomaaliyeey nabaad
Nacab keen wa ubaraad nabarada so kee iyo naafada
dhex deena, nogood kee midow dhee soomaaliyeey nabaad
Geesiyaal ma noolee soomaaliyeey nabaad
ubaad kee dhug laayeh soomaaliyeey nabaad
ubaad kee naafowyeeh soomaaliyeey nabaad
soomaaliyeey nabaad, soomaaliyeey nabaad
nabaad baa nasteexo iyo wanaag loo
nooluuhu ku naaxaa soomaaliyeey nabaad
Nuxuus weeyeh gorikuyeh keesameeyey uu nacaay
adna waad ku nabaan tahay nogood kee midawdoo
soomaaliyeey nabaad,soomaaliyeey nabaad
Naxdami xumaatoo soomaaliyeey nabaad
Naxliga iska saaroo soomaaliyeey nabaad
Nasta oo heesheeyoo soomaaliyeey nabaaaaaaaaaaaad

#8
Posté 25 janvier 2004 - 11:08
Nabad waarta wanaag'iyo
Nabaad warkeeda bal daa!
Wacdigaa aan war ku siini
Ha fududdaysan war weedha
Wareeggeeda adduunyi'iyo
Wabiyaan u tixaabbay
Waxgardkiisa aqoonti'iyo
Wahilkii cilmiyeed baa
Waalaalahayga ahaa oo aan
Ku wareeshay su'aasha
Wakhtigan maanta la jooggoo
Waxbarashadu hana qaaday
Ummad waalli qabiil'iyo
Waramo isku haysta
Nabad wanaag bal ka daa oo
Maba waarikartaa!
Waa la wiiq kaaraa
Waa la wareerin karaa
Oo lana waalli karaa
La kalana weecan karaa
Laguna weecan karaa
Wiswis hoos u qarsoon
Laga waraabin karaa
Waabbay aan cidhibtooda
Wax yarna aan ka tegayn
Oo waaq waaq u xanbaari
Waayo?
Dhulkood waa wabiyaal
Bad weyn baa ku wareegsan
Wax walboo lagu beerana
Lagama waayo wax roon
Waxtarkiisa gobeedna
Waraaboo dhan war fiirsan
Hadday waallan yihiin
Wayba waallan yihiine
Woodhloodhkooduna ku reemmi
Innuu wadankoo dhan
Ku iibsho wax yar
Ooy maalmo walaaqan
Mijin qaada war weeye
Taa wadnahaaga halaagtay
Waa Shiine wuxuu
Waxgaradkiisu u diidday
Waayihii Ingiriisku u soo
waaridday xashiishka
Mililikhna ka warqaatay
In uu ku weeraro "Waryaa"
Warbahaarka qabiilkuna
Waa oksijiin walaxdiisu
Sii wayrixin mirqaanka
Oo walwal dhammaceed kugu wiifin
QabiilDiid.......Jeenawari, 2004
|Waa ummad midoo+Isku muunadoo++Ay wada martaa |
|Maaweello dhaqan+Muslimoo ku hadli+Afkeygaa macaan|
|Magacaa qabiil+Iska maydhayoo+MABDA'WEYN KU SOCON|

#10
Posté 04 mars 2004 - 10:46
salaan marka hore sxb
marka xiga ma xumo talada aad noo bandhigtay laakiin waqtigeedii lama joogo waayo, waxaa ka horreysa in horta nabad iyo xasilooni laga helo koonfurta somalia waa reer Muqdisho.
nabad lahelaa, talo la helaa!
P.S: waadku mahadsan tahay maansada ee halkaa ka wad.

Better future for our kids.
Partager ce sujet :
Page 1 sur 1