HASAN ADEN SAMATAR AND QORAXDOO AROORTI
Qoraxdoo aroortii
Qaybisay falaadhaa aa
Ama qaanso roobaad
Daruur midab ku qarisay
Qaymaheedii leeyeey
Qof mid lama amaanoo
Qalad looma heesee
Qurayshtii haweenkaay
Naftaad qancisaybaa
Kuu qushuucdayoo
Wanaag kuu qiraysee
Qabrigaa hortii qaradee
Bariin aad u qaboobiyo
Qaadirkay ha ku geeyo
Qofaalada jacaylkoo
U qabiray naftaydaa
Ilamaad qalaynino
Waad ila qorshaysee
Iga saartay qoolkii
Qamandacada dushaydiyo
Qamuunyadii i saarnayd
Ilamaad qaxootiyin
Naftaad qancisaybaa
Kuu qushuucdayoo
Wanaag kuu qiraysee
Qabrigaa hortii qaradee
Bariin aad u qaboobiyo
Qaadirkay ha ku geeyo
Haddaan qiro runtaydoo
Qotonshoo warkaygaa
Ruuxan kugu qiyaasoo
Kula qeer dhigayaa
Kama qaadin indhaha
Sida roob qayoodoo
Saxansaxo qabowbaa
Laabtayda qaadee
Naftaad qancisaybaa
Kuu qushuucdayoo
Wanaag kuu qiraysee
Qabrigaa hortii qaradee
Bariin aad u qaboobiyo
Qaadirkay ha ku geeyo
Page 1 sur 1