Djibouti(Saylac.com)- Dalka Jabuuti waxa si weyn looga soo dhaweeyey ku dhawaaqida ismaamul Goboleedka Awdal State oo dhawaan lagaga dhawaaqay dalka Canada. Shabakada saylac.com waxa soo gaadhay baaqyo tahniyad ah oo ay Beelaha Ciise ee dalka Jabuuti soo gaadhsiiyeen si ay u muujiyaan tageerada buuxda ee ay u hayaan in gobolada Awdal. Selel, iyo Gabiley ay yeeshaan Ismaamul Gaar ah.
Dadweynaha reer Jabuuti ee sida weyn u taageersan Awdal State waxay sheegeen in la gaadhay wakhtigii ay beelaha Samaroon iyo Ciise Aayahooda ka tashan lahaayeen midna ka noqon lahaayeen horumarinta dadkooda ku dhaqan Jabuuti, Itoobiya iyo Somaliya. Maxamed warsame oo sheegay inuu yahay Agaasime dawladeed ee dalka Jabuuti ayaa waxa uu sheegay in tariikhda casriga ah aanay cidina cidkale ku dulnoolaan karin isagoo hadlayana waxa uu yidhi" Lama qiyaasi karo gumaystuhu dhibta uu soo gaadhsiiyey Beelaha walaalaha ah ee Dirka gaar ahaan Beelaha Ciise iyo Gadabuursi, Halgankii ay labada beelood lasoo galeen Faransiis iyo Ingiriiska waxa ku dhintey dad halyeyo ah oo beelaha ka tirsan.
Hadaba xoriyadii la filayey waxay noqotey mid aan gaadhin heerkii la filayey oo ay dawladihii soomaaliyeed iyo kuwoo Itoobiya labaduba ku tunteen xuquuqdii labada Belood ee Ciise iyo Gadabuursi iyo waliba walaalaheena Beelaha Isaaq. Maanta hadii laga baxay dawladihii macangaga ahaa waxaanu filaynay in Beeluhu heli doonaan ismaamul horumar keena lakiin Beel ka tirsan beelihii xanuunka gumaysigu aadka u helay ayaa si dhakhsiyo leh u ilawday dhibta gumaysigu leeyahay waxayna bilawday inay bilawdo fikir gumaysigu lahaa fikirkaas oo ah inay xukumaan dhul ayna lahayn dadkiisana dhacaan. Maxamed Hadalkiisa isagoo sii wata waxa uu sheegay inuu aad ug xunyahay waxyaabaha ka socda Somaliland waxaanu ku baaqay in Beesha Ciise ay aad u taageersan tahay Ismaamul goboleed ay yeelato Awdal State.
Ganacsade Fu'aad Muxumed Diiriye oo aanu kula kulanay xafiiska magaalada Jabuuti ayaa isaguna saxaafada u sheegay in xanuunka gumaysigu soo gaadhsiiyey dadka Soomaliyeed uu ahaa laba nuuc isagoo hadlaayana waxa uu yidhi" Xanuunka dawaladihii soomaliyeed ama gumaysigii ka horeeyey soo gaadhsiiyey bulshada soomaliyeed wuxuu ahaa laba nuuc .. Waa midka horee mid cabudhin iyo rasaas isugu jiray iyo mid kale oo kaa ka daran ahaa cabudhin dhaqaale, mid siyaasadeed iyo horumar oo dadka lagu sameeyey .. Beelaha Ciise iyo Samaroon ee wada dega labada dal ee Somaliya iyo Itoobiya waxa helay dhac aan umada Soomaaliyeed ku dhicin oo ah in dhulkooda la isku laayo sidii loo xukumi lahaa.. SNM waxay la dagaalantey Siyaad Bare markii wadankoodii ay heshay kuma ayna koobnaan dhulkii ay Beelaha Isaaq deganaayeen ee damac qaawan ayaa ka galay inay xukunto Beelaha kale ee Soomaaliyeed. Maanta Xeebta Awdal waa la xaalufuyey kaluun kuma hadhin dadkii lahaana abaaro iyo macaluul ayay la dhinteen. Saylac lama ogala in waxlagala soo dego waana cabudhin dhaqaale oo xataa aanu Ingiirskii yeelin dadkan. Markaa Awdal State waa loo baahnaa wakhti fiican. Dadka Labada Beelood ee Ciise iyo Samaroon waa dad isu dhaqan ah wada dhashay masayrkooduna isku mid yahay dhinac walba isaga mid ah waan soo dhaweynaynaa Awdal State"
Sidoo kale qaar ka tirsan Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan dawlada Jabuuti Oday dhaqameedyo iyo waliba dhalinyaro beesha Ciise ka tirsan oo aanu kula kulanay badhtamaha Dalka Jabuuti iyo kuwo Telefoono nagalasoo xidhiidhay dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ayaa muujiyey tageerada weyn ee ay u hayaan Ismaamul goboleedka Awdal State.
Dhinaca kale dalka Jabuuti waxa ku sugan wufuud Oday dhaqameedyo iyo waxgarad reer Awdal ah oo marti qaad ka helay madaxweynaha Jamuuriyada Jabuuti Mudane Ismaciil Cumar Geele , Shabakada saylac.com oo isku dayday inay waxka ogaato ujeedada socdaalka waftigan ayaa waxay ogaatey in waftigu usocdo hawlo kala duwan oo ay ugu horeyso tageerada gobolada Awdal iyo Selel iyo Waliba K5aad u hayo xukumada Ismaciil Cumar Geeleh iyo xisbiga talada dalka haya.
Baaqyada ay dadka reer Jabuuti kutaageereen Awdal State lama soo koobi karo waxaanu rajaynaynaa in waqtiyada dhaw idiinsoo gudbino maqaalo tageerada Beelaha Ciise ee dalka Itoobiya u hayaan Awdal State.
Ce message a été modifié par djiblali - 14 avril 2011 - 09:17 .