djibnet.com: Une Bonne Analyse Du Discours En Somali - djibnet.com

Aller au contenu

Page 1 sur 1
  • Vous ne pouvez pas commencer un sujet
  • Vous ne pouvez pas répondre à ce sujet

Une Bonne Analyse Du Discours En Somali un defi qu'il lance aux issas Noter : -----

#1 L'utilisateur est hors-ligne   celio000 Icône

  • Membre
  • Pip
Groupe :
Membres
Messages :
224
Inscrit :
12-février 10

Posté 20 novembre 2010 - 04:52

-Khudbadii madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu jeediyay maalintii ciida ee uu ugu baaqay mucaaradka Jabuuti in ay raganimo la yimaadaan oo ay tartanka ka soo qeybgalaan ayaa waxa ay keentay dood hor leh oo ku wejahan fasiraada hadaladii uu madaxweynuhu jeediyay.
Madaxweyne Geelle ayaa khudbada ku xusay in sida dalalka jaarka la aha Jamhuuriyada Jabuuti ee Somaliland iyo Itoobia ay mucaaradku muujiyaan geesinimo ay tartanka doorasho uga qeyb galaan iyagoon eegin cida isu soo taageysa jagada madaxweynaha ee xisbul xaakimka.
Tani waa fariin ay ilaa iminka jawaab u waayeen mucaaridka Jabuuti oo ku adkeysanaya in madaxweynuhu aanu mar kale jagada isu soo taagi karin isla markaana aanu dastuurka bedeli karin.
Mucaaridka oo looga dhaartay in ay afkaartooda ku soo bandhigaan gudaha ayaa beryahan danbe aad isugu abaabulayay qaaradaha Yurub iyo Woqooyiga Ameerica,waxaaney dhawaan London ku qabanayaan shirweyne ay uga arinsanayaan sidey u wejihi lahaayeen sidii doorasho xalaal ah uga qabsoomi leheyd Jamhuuriyada Jabuuti.
Mucaaradka Jabuuti ayaa ilaa iminka ku guul dareystay in beesha caalamka ay ku qanciyaan in culeys lagu saaro madaxweyne Geelle in uu aqbalo hanaanka xisbiyada badan ee distuurka jabuuti fasaxayo.
Waxa kale oo uu madaxweynuhu khudbadiisa ku xusay in talada Jabuuti ummada reer Jabuuti u siman tahay oo reer uun aney isa siin madaxtinimada Jabuuti,ereygaas ayaa u muuqda in madaxweynuhu leeyahay raga aanu isku ardaaga nahay yaanay is oradhanin kursiga ku qabsada,waxaaney tani keeni kartaa in shacbiga intiisa kale uu taageero madaxweynuhu uga helo.
Waxa iyana hadalka madaxweynaha laga dhadhan saday hami ay dhici karto in uu ku jiro marwadiisa Khadra Maxamuud Xayd,oo mucaaridka intiisa badani ku eedeynayaan in ay iyadu tahay cida hagta siyaasada dalka Jabuuti.
Marwada madaxweynaha ayaa sanadadan danbe aad hadal heynteeda ugu badatay mucaarid iyo muxaafidba,waana ay dhici kartaa in ay carbis ugu jirto sidii ay door lexaad leh uga qaadan laheyd hogaanka siyaasada jabuuti.
Waxase ilaa iminka Marwadu ku kooban tahay uun ka talo siinta seygeeda xulashada siyaasiyiinta mudan jagooyinka iyo bixinta qandaraasyada ganacsi.
Madaxweyne Geelle ayaa iminka u muuqda in uu mucaaridka u isticmaalayo tabihii siyaasiyan lagu muquuniyay qowmiyada Canfarta taas oo ah in si walba oo siyaasada loogu kala duwan yahay in hadana xiliga doorashada codka meel la isugu geeyo,ama xaalka laga dhigo laba daran mid dooro.
Isku soo duuboo waxa laga dhadhansadey hadalka madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle in ku carinayo tartanka doorasho ee bilawga sanadka danbe ku beegan in hadii isaga laga carqaladeeyo uu keeni doono laba mid,Marwadiisa ama ruux ka soo jeeda Qowmiyada Canfarta,taas oo ku khasbi karta Mucaaridka iminkaba kala daadsan in ay ama tartanka sidaa ku galaan oo musharaxnimadiisa aqbalaan ama burburaan
0

Partager ce sujet :


Page 1 sur 1
  • Vous ne pouvez pas commencer un sujet
  • Vous ne pouvez pas répondre à ce sujet