Saylac (Jam)- Ugaaskii 19aad ee Beesha Ciise Ugaas Beesha Ciise Mustafe Maxamed Ibraahin, ayaa shalay si ballaadhan loogu caleemo saaray magaalada Saylac oo dhawr bilood ka hor loo boqray xilka beeshiisu u dooratay.
Munaasibadda caleemo-saarka oo ay dadka intooda badani u arkayeen dhoolatus ay beesha Ciise soo abaabushay, marka loo eego madaxda iyo masuuliyiinta ka soo qaybgashay oo uu ka mid yahay Ra’iisal-wasaaraha dalka Jabuuti oo aan waligii hore u iman Jamhuuriyadda Somaliland oo 18-kii sanno ee u dambeeyay ahayd qaranka madaxbanaan oo ay jabuuti dad iyo dal wadaag ba ahaayeen, waxa halkaa ka muqan karta miisaanka ay u lahayd Jabuuti munaasabada caleemo-saarka Ugaaskani.
Xafladda caleemo-saarka Ugaaska oo ahayd mid waqti dheer laga soo shaqaynayay dhaqaale badanina uu ku baxay muuqaal ahaan waxay ahayd madal qurxoon oo ay isku arkeen dad ku kala nool saddex dawladood oo kala ah Somaliland oo ay ka joogeen wasiirada Arrimaha Gudaha, Dalxiiska iyo Dhaqanka, xildhibaano, Itoobiya oo uu hor kacayay wasiirka Hidaha iyo Dhaqanka Maxamuud Dirir Guuleed, xildhibaano iyo masuuliyiinta kililka shanaad iyo dawlada Jabuuti oo ay ka joogeen Ra’iisal-wasaare Maxamed Dheleyte iyo koox wasiiro ah. Waxa kale oo si weyn uga muuqday salaadiinta iyo madaxdhaqmeedka beelaha dega Somaliland, Jabuuti iyo Itoobiyaba.
Madasha caleemo-saarka Ugaasku ka dhacday oo ahayd teendho aad u weyn oo lagu sheegay inay ahayd tii lagu qabtay shirkii nabadaynta Soomaaliya ee magaalada carta ee dalka Jabuuti lagu qabtay oo la soo furay, isla markaana ay fadhiyeen kumanaan qof, ayaa halkaasi lagu saaray Ugaaska cumaamadda caleemo-saarka, isla markaasina loogu duceeyey, waxaana guud ahaanba dadka si weyn uga muuqanayey farxad iyo rayrayn ay u qabeen Ugaaska cusub.
Caleemo-saarkan Ugaaska 19aad ee beesha Ciise ayaa lagu tilmaamay tii ugu miisaanka badnayd qarnigan ee lagu boqro madax-dhaqmeed Geeska Afrika, waxaana guud ahaanba si weyn loo adkeeyey ammaanka madasha, iyadoo ciidanka Qaranka Somaliland iyo booliska magaalada Saylacba ay si wada jir ah uga qaybqaadanayeen.
Dhinaca kale, caleemo-saarka Ugaaska beesha Ciise waxa si weyn looga hadal hayay magaalada Boorama ee gobolka Awdal oo ay daku isweydiinayeen caleemo saarka Ugaaska Ciise iyo magaalada Saylac oo ah magaalo qadiim ah oo ay ku duugan tahay xadaarad iyo ilbaxnimo dheer oo kumanaan qarni soo jiray, waxaanay bulshada ku dhaqanka magaalada Boorama marka aad la sheegaysato ee dareenkooda waydiiso ay ka sinaayeen in beel kastaa xaq u leddahay inay arrimeheeda dhaqanka maarayso beesha Ciisena ay xaq u leedahay inay hoggaan doorato, balse waxa ay hadana dadku dareen wyn ka bixinayeen sababta keentay in ugaaska Beesha Ciise lagu caleemo saaro magaalada Saylac oo ay u arkaan magaalo deegaankeeda la wadaago. Dad badan oo aanu rayigooda waydiinay ayaa tilmaamay in arintan ay saamayn iy lug weyni ka dambayso oo ay hagayeen masuuliyiin ka tirsan Jamhuuriyada Jabuuti, qaar kale waxay eedo u soo jeediyeen hoggaanka jamhuuriyada Somaliland oo ay wax ka saareen ogolaanshaha munaasabadan iyo sibir saar uu heshiis ka dambeeyo.
www.jamhuuriya.info
Page 1 sur 1
Munaasibadii Qarniga Oo Lagu Caleemo-Saaray Ugaaskii 19Aad Ee Beesha C
Partager ce sujet :
Page 1 sur 1