djibnet.com: The Ugaas Have Spoken! - djibnet.com

Aller au contenu

Page 1 sur 1
  • Vous ne pouvez pas commencer un sujet
  • Vous ne pouvez pas répondre à ce sujet

The Ugaas Have Spoken! This is the first time the ugaas spoke on anything... Noter : *---- 1 Votes

#1 L'utilisateur est hors-ligne   unautredjiboutien Icône

  • Membre
  • Pip
Groupe :
Membres
Messages :
35
Inscrit :
26-août 03

Posté 25 décembre 2009 - 01:32

Image IPB
Djibouti(Saylac.com)- Ugaaska dadayar ee beelaha ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibrahim oo dhawaan lagu wado in lagu caleemo saaro magaalada Saylac ee gobolka Awdal ayaa dacwad uu kaga horjeedo xaraashka jasiirada sacadadiin u gudbiyey madaxweynaha Dalka Jabuuti Mudane Ismcaiil Cumar Geleh. Afhayeenka Ugaaska Beelaha Ciise Mudane Cabdilahi Subagle Gadiid oo u waramay saylac.com waxa uu sheegay in Ugaas Mustafe Maxamed Ibrahim uu waraaqda kusoo hagaajiyey madaxtooyada Dalka Jabuuti isagoo si hufan uga hadlay dhulka lahadal hayo in dawlada somaliland damacsan tahay inay ku wareejiso dadyow aan gobolka u dhalan.

Afhayeenka Ugaaska beelaha Ciise oo hadalkiisa sii wata waxa kale oo uu sheegay in Ugaasku aad uga xumaaday sida waxshinimada leh ee askarta xukumada Somaliland ay ula dhaqantey Saladiinta beelaha Samaroon ee socdaalka ku yimi xeebaha gobolkooda. isagoo hadlaayana waxa uu yidhi Ugaasku “Aad ayaan uga murugooday in rag sharaf mudan oo Saladiin iyo Cuqaal intaba iskugu jira una dhashay gobolkan laga horjoogsado dhulkoodii inay socdaal ku tagaan, waxa kale oo aan aad uga xumaaday dhulkan tariikhiga ah ee sacadadin oo ah dhul ahmiyad gaar ah u leh Beelaha Samaron iyo Ciise in dadyow aan dhulkan degin oo gobolo fog ka yimid la siiyo lacagoyina la dhaafsado. waxaan usoo jeedinayaa dawlada isku magacawda somaliland inay dhulkan iibdigiisa ka waantowdo dadkana farqalado iyo xiisadaha ay dhex dhigayso ka joojiso.
Ugaaska Beelaha Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibrahim ayaa sheegay in uu tixgalin weyn u hayo Saladiinta Beelaha Samaroon ee socdaalka ku yimid dhulkooda waxaanu intaa ku daray in aanu marnaba ogolaan doonin xiisad iyo colaad xukumada somaliland ka dhex abuurto umada walaalaha ah.
Afhayeenka Ugaaska beelaha Ciise mudane Cabdilahi Subagle Gadiid oo saxaafada usoo diray waraaqdan dhambaalka Ugaaska beelaha ciise ayaa waxa uu intaa ku daray in Beelaha Ciise ay marwalba aaminsan yihiin wadanoolaansho iyo darisnimo taam ah oo ay ku wada noolaadaan beelaha samaroon isla markaana ay si wadajir ah beelaha Samaroon ula garab joogaan dufaaca xeebaha saylac ee iibka lagu wado.

Dacwadan Ugaaska Beelaha Ciise uu maanta soo gaadhsiiyey Madaxtooyada dalka Jabuuti ayaa waxay ku soo beegantay wakhti muran badani dhexyaalo xukumada somaliland iyo beelaha Samaroon isla markaana lagu talo jiro caleemo saar ugaaska beelaha ciise oo ka dhaca magaalada Saylac.

Dhinaca caleema saarkiisa isagoo ugaasku ka hadlaya waxa uu sheegay in caleemasaarka la wado inuu ka dhaco magaalada saylac aanu haba yaraatee lugkulahayn dhulbalaadhsi iyo siyaasad toona ee uu kaliya yahay dhaqan xushmad mudan oo soo jireen ah. isagoo arinkaa ka hadlaayana waxa uu yidhi” Labada Ugaas ee Beelaha ciise iyo Samaroonba waa lagu caleemo saari jirey magaalada saylac waana dhaqan soo jirey sidaan sheeekada ku hayo 5 ugaas oo samaroon ah ayaa lagu caleemo saarey sidoo kalena 6 Ugaas oo Ciise ayaa iyagana lagu caleemo saarey Saylac waana meel qadiim ah oo ahmiyad dhaqan soojireena leh

Osman Hussein
Saylac.com
Djibouti

source

Ce message a été modifié par unautredjiboutien - 25 décembre 2009 - 01:33 .

0

#2 L'utilisateur est hors-ligne   unautredjiboutien Icône

  • Membre
  • Pip
Groupe :
Membres
Messages :
35
Inscrit :
26-août 03

Posté 25 décembre 2009 - 01:34

Sorry for those that do not read somalis.
I do not have the french translation..
0

#3 L'utilisateur est hors-ligne   daous Icône

  • Membre
  • Pip
Groupe :
Membres
Messages :
81
Inscrit :
15-octobre 09
Gender:
Male
Location:
over world
Interests:
shimbir yahow ma duushaa?

Posté 25 décembre 2009 - 05:57

:blink: waw way ficantahay lakiinse sxbow ugaasku uu dagdagayaa mise ragan la talinaya ayaa tuuraya??
0

#4 L'utilisateur est hors-ligne   king(1) Icône

  • Membre Avancé
  • PipPip
Groupe :
Membres
Messages :
1 138
Inscrit :
10-août 03
Gender:
Not Telling
Interests:
Reading.

Posté 25 décembre 2009 - 07:22

Voir le messagedaous, le 25 December 2009 - 02:57 AM, dit :

:blink: waw way ficantahay lakiinse sxbow ugaasku uu dagdagayaa mise ragan la talinaya ayaa tuuraya??

waa ddagdagayaa! horta tacliintiisa ha dhammaysto.
Better future for our kids.
0

#5 L'utilisateur est hors-ligne   king(1) Icône

  • Membre Avancé
  • PipPip
Groupe :
Membres
Messages :
1 138
Inscrit :
10-août 03
Gender:
Not Telling
Interests:
Reading.

Posté 25 décembre 2009 - 08:57

Voir le messageking(1), le 25 December 2009 - 04:22 PM, dit :

waa ddagdagayaa! horta tacliintiisa ha dhammaysto.

Halka uu joogo(Ethiopia) laftigeeda ayaa dadka uu matalo dhib loogu geystaa.Waxaa la yidhi islaan ayaa aragtay Awrka cirka markaas ayey dameerkeedii jar ka tuurtay! waxay tidhi waxaan rabaa in awrkaas soo qaato! hhhhkkk lol yaxeey yax aawey Hangool!
Ku darso Somaliland uma baahno colaad iyo isku-dir waxaa dhib ugu filan reer Xareed iyo reer Axamad iyo reer Dudub iyo reer Geedi! fitnadaas haka qayb galo sidii loo demin lahaa. waa hadduu nin rag ah yahay haddii kalase Shalom à lui!

Ce message a été modifié par king(1) - 25 décembre 2009 - 08:59 .

Better future for our kids.
1

Partager ce sujet :


Page 1 sur 1
  • Vous ne pouvez pas commencer un sujet
  • Vous ne pouvez pas répondre à ce sujet