djibnet.com: Ougass Moustapha Mohamed Ibrahim - djibnet.com

Aller au contenu

Page 1 sur 1
  • Vous ne pouvez pas commencer un sujet
  • Vous ne pouvez pas répondre à ce sujet

Ougass Moustapha Mohamed Ibrahim LE 19EME OUGASS ISSA EST ELU Noter : -----

#1 L'utilisateur est hors-ligne   ilyas08 Icône

  • Membre
  • Pip
Groupe :
Membres
Messages :
66
Inscrit :
29-février 08

Posté 03 septembre 2009 - 11:30

Diri-Dhaba
(CakaaraNews)

War Deg-Deg ah oo naga soo gaadhay magaalada Dirri-Dhaba ayaa sheegaya in ugaaskii 19aad ee Beesha Ciisaha lagu dhawaaqay caawa. Ugaaskan cusub oo magaciisa lagu sheegay Mustafe Maxamed Ibraahim Ugaas Wacays. Ugaaskan cusub oo da''diisu tahay 17 sano jir, waxaa dhalay Ugaaskii 17aad ee ka horeeyay Ugaaskii 18aad ee ugu danbeeyay ee Allaha u Naxariistee Ugaas Xasan Xirsi.

Wararka ka imanaya isla Diri-Dhaba ayaa sheegayaa in Ugaaska 19aad uu ku dhashay Magaalada Diri-Dhaba. Hadaanu nahay Bah waynta Shabakada CakaaraNews waxaan salaan kal iyo laab ah u diraynaa guddigii xulista Ugaaska, anagoo ugu hambalyaynayna guusha ay ku talaabsadeen. waxaana Ilaahay uga baryaynaa inuu Illaahay xilka ay ummadu u dooratay uga soo baxo cadaalad, xaq iyo sinaan.

Wixii warar ah ee caleemo saarka Ugaaska 19aad ka soo kordha kala socda CakaaraNews.

Magacyada 18ka Ugaas ee Ugaaskan haatan ka horeeyay waxay kala yihiin

1. Guuleed Ugaadh Makaahiil.
2. Ugaas Makaahiil
3. Guuleed Ugaas
4. Caafi Guuleed
5. Cabdilaahi Caafi
6. Cali Xuseen
7. Cumar Cali
8. Guuleed Bookh
9. Geele Xoosh
10. Rooble Guuleed
11. Xuseen Rooble
12. Faarax Gunti weyne
13. Rooble Cali
14. Rooble Faarax
15. Cabdi Rooble
16. Guuleed Rooble
17. Wacayse Rooble
18. Xasan Xirsi


CakaaraNews
0

Partager ce sujet :


Page 1 sur 1
  • Vous ne pouvez pas commencer un sujet
  • Vous ne pouvez pas répondre à ce sujet