djibnet.com: Talo Bixin - djibnet.com

Aller au contenu

Page 1 sur 1
  • Vous ne pouvez pas commencer un sujet
  • Vous ne pouvez pas répondre à ce sujet

Talo Bixin Noter : -----

#1 L'utilisateur est hors-ligne   ilyas08 Icône

  • Membre
  • Pip
Groupe :
Membres
Messages :
66
Inscrit :
29-février 08

Posté 01 septembre 2009 - 08:11

Mahad oo dhan eebbaa mutaystay, suuro geliyay inaan wakhtigan ka taashanno
aayaheenna
iyo arrimaha ugaas doorashada oo ah mid lafdhabar u ah jiritaankeenna.
Intaas ka dib waxan u mahadnaqayaa dhammaan shakhsiyaadka iskood isku xilqaamay ee
geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii ay arrintan xasaasiga ah uga midha dhalin lahaayeen.

Mar saddexaad waxan hambalyo iyo bogaadin gaar ah u soo jeedinayaa dhammaan dadka
fikradahooga qaaliga ku soo darsaday arrintan.



Intaas ka bacdi waxan jeclahay inaan fikirkayga oo kooban dhiibto:


Marka horeba in ciisuhu ugaas doorto ma aha arrin ugub ah ee waa soo jireen, weligeedna waa
la soo dooran jiray. sidaas darteed waxa jirta hab iyo nidaam suubban oo la mari jiray, waana hab
ceeb ka saliim ah oo ay awowyaasheen innoo jeexeen. Marka haddii la yidhaahdo nin walba sida la
qumman ha soo sheego marnaba la heli maayo wax la isku waafaqsanyahay, waayo horaa loo yidhi
Maan dad waa mudacyo caaradood, Arrintuna waxay u ekaan siyaasad.
Haddaba anigu waxan ku talin lahaa in si gaar ah loo xurmeeyo qawaaniintii

dhaxalka ahaa ee awowyaasheen
ee ina soo gaadhsiiyay darajda aynnu maanta taagannahay, Waana xaajo culuse yaan la siyaasadayn.

WAXYAABAHA LAGA FILAN KARO UGAASKA LA DOORANAYO:


1. Inuu noqdo mid saacad saacad uga warhaya xaaladda dhabta ah ee ay ku suganyihiin ciisaha reer
guuraaga ahi, kuwaas oo ah kuwa u baahan daryeelka gaarka ah.
2. Inuu noqdo nin karti u leh inuu xalliyo khilaafaadka yaryar ee ciisaha dhexdiisa
3. Inuu dadaal dheer u galo sidii uu u soo celin lahaa sharaftii, karaamadii, heybaddi iyo cisigii
uu ciisuhu ku lahaa caalamka.
4.Inuu noqdo mid isku soo dhaweeya beesha ciise iyo dadka kale ee walaaleheen ah.
0

Partager ce sujet :


Page 1 sur 1
  • Vous ne pouvez pas commencer un sujet
  • Vous ne pouvez pas répondre à ce sujet