djibnet.com: Sanka - djibnet.com

Aller au contenu

  • (2 Pages)
  • +
  • 1
  • 2
  • Vous ne pouvez pas commencer un sujet
  • Vous ne pouvez pas répondre à ce sujet

Sanka kula raacaa Noter : -----

#16 L'utilisateur est hors-ligne   yeux de biche_ Icône

  • Membre Avancé
  • PipPip
Groupe :
Membres
Messages :
6 315
Inscrit :
07-septembre 07
Gender:
Female
Interests:
j'aime la lecture , la science , la culture et surtout l'histoire !

Posté 08 mai 2009 - 04:46

Voir le messagekhalid, le Friday 8 May 2009, 14:20, dit :

The most beautiful love song ever written


Waa lay addimey
Axaddii sidaan
Kuu eegayee
Araggeeda taan
Ku il-doogsadaay
Ma illawsan tahay
Axdigaad martiyo
Meeshaad I tidhi
Waan imanayaa.

Immisaad farriin
Ergo soo dirtood
Oontiyo biyaha
Hurdo aawaday
Uga soommanayd

Eed layga keeniyo
Midna amar Illaahay
Kuma aad maqnaanine
Adigayska baaqdee

Haddaad I tidhaahdo iman maayo
Ma aadeen halkaad ogsooneyd

Anigaa isla hadloo
Mar waxaan idhaahdaa
Ku illaawi maysoo
Way imanne sii joog
Mar waxaan idhaahdaa
Axdigaydin dhigateen
Kola oofin maysee
Samir Eebbe qaadoo
Ka fogow agteedaan
Uurkayga geliyaa.

Arimada jacayl baa
I hogaaminaysoo
Misna kuma adkaystoo
Kama hoydo aydoo
Naftu olol ma deysee.
Indhaaga habeenkii
Ku ilaalinaayoo
Dhammideed addunyada
Afarteeda waaxood
Hadba gees u eegee

Aammusnow habeenkii
Ug baadka iyo dooggaa
Tiiraanyo ooyoo
Idilkood xiddigahaa
Afar qaaday socodkoo
Ubax baan guroo
Soo ururiyoo
Amranow golii
Ooddii madhnayd
Ku ag daadiyoon
Ku ilaa xidhoon
Weheshada idhee

Eedaanka diiggoo
Oogsadey salaadiyo
Waagoo iftiimaan
Keligey inaan ahay
Asaraar ka saaroon
Addimada cuskadayoon
Dib u soo arooree

Qof ammaano lumiyoo
Iibsadey xilkeedii
Samo uguma aaye
Aan kala war haynaan
Ku afgooyey heestee
Maxay adiga kula tahay



c hadrawi ki l a composé .................
ils ne sont plus grands  que parce que nous sommes à genou, alors levons-nous . Etienne de la boétie

Seuls l'art et la science élèvent l'homme jusqu'à la divinité. ludwig van Beethooven

Les mathématiques sont une gymnastique de l'esprit et une préparation à la philosophie. Isocrate

Moise a dit : Tout est loi
Jesus a dit : Tout est amour
Marx a dit : Tout est argent
Puis Freud a dit : Tout est sexe
Et puis Einstein est venu et il a dit : Tout est relatif !

''pardonner pour mieux vivre '' Nelson Mandela

"
0

#17 L'utilisateur est hors-ligne   saxarla Icône

  • Membre Avancé
  • PipPip
Groupe :
Membres
Messages :
1 376
Inscrit :
18-juin 07

Posté 12 mai 2009 - 04:05

Wabiyo isku ooman
:wub: :wub:

Jacal waa wadkagoo
warmo ku afaysto
wabay qadhaadh iyo
sun uu kuu walaaquu
weelkugu shubayaa!!



In ay wacatameeno
wayo badan is dooneen
in lo kala waramay oo
wacdi la isku sheegiyo
waano lagala quustahey
goortay is waayeen
isu walaan gaadheen

waligiin ma maqasheen ??


In ay weer xidheeno biyihi
waddamo isku jidheen
in ay wayraxeeno iyagoo
wareer qaba isu soo wareegen
oo wanaag kalgacal
way isu yimadeen

Waligiin ma maqasheen ?
Wax ku qadan meeysaan wacdaraha aduunkee
weydiya culimada?


Inu cashaq waday oy
xareedi wadaageen
in ay wehel is jecel oo
waddanaha isu dhiibtey
wada jira noqdeen
wada qudha mareen

Waliigiin ma maqasheen??

Waxa curiye abwaan XUUSEEN AW FAARAAX DUBAD.
“Haddii gu’ga kuu kordhaaba
Gabow mooyee ku tarin
Garaad iyo waayo arag
Inlayn waxma dhaantid geed!”
- Gaarriye.
0

Partager ce sujet :


  • (2 Pages)
  • +
  • 1
  • 2
  • Vous ne pouvez pas commencer un sujet
  • Vous ne pouvez pas répondre à ce sujet