- (7 Pages)
-
- 1
- 2
- 3
- →
- Dernière »
Luqada Afsoomaaliga afkeena hoyoo aa labartoo dhalintaa jabuutiyeey iyo anikubaa
#1
Posté 26 mars 2009 - 05:42
waxaad keheli kartaan gabayoo oo aad iyo
aad ula dhici doontaan oona xiisalee.
qofkii afsoomaaligiisu iska walashwalash
yahay mawqancan wax buu ka barankaraa.
waana in aad luqadaada hoyoo aad
xooshisa oon daddaal saranaa haddi
aan daddaal saari waynoo way lumi
barrina faransiiska ayaa luqadeena
hoyoo noqandoonta haddaba dhibaataan
ku qabna oo dhalinta jabuuti wiil iyo gabadhba
luqadeena hoyoo kuma hadalnoo
haddaan ku hadalnanaa sisax ah ukuma hadalno.
saas daraadeed ayaa mawqacan iyo kuwa kaleba
loo curiyeye………………
Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi”
Badbaado
Balliyada salkoodii
iyo baaca webiyada
marka boodh ka sare kaco
rahu boholo dheer galo
biyo lagu haloosiyo,
dhulka oo basaasoo
inta budul ku jiifsaday
buska tarantarkiisii
Isha lagala soo baqay,
Allihii galshiyo baad
ku ballaadhin jirayoow.
Xaqa lagu bukoodiyo
xaqa lagu bogsoodiyo
inta laga badheedhiyo
inta lagu badheedhee
xumo loogu babac-dhigo,
nafta bedenbedkeediyo
bog intii xasilisiyo
inta baal ku ledi karo
burjigiyo hubaalaha
berri lagu halleeyee
lagu sugo ma barideen,
bedad-guurka waayaha
inta lagu baxnaanshee
hiyi looga dhigo baan,
inta lagu bariistiyo
inta lagu baraarugo
inta baaca noloshiyo
runta lagu bilkeedee
xaqa lagu bidhaansado.
Inta baaxad dedan iyo
inta taal bannaankee
nin is biday ka xoog weyn,
inta loo bal reebee
nin ka baqay ku nabad galo.
Inta aan la burin karin
inta aan la baran karin,
biligiyo awoodaa
xejinaaya buuraha
iyo badaha waaweyn,
barakada Qur'aankiyo
bisha lagu xurmeeyiyo
boqortooyadaadiyo
boqolkaaga magac iyo
Bismillaahi keligaa.
Bulsho waxay cadhowdaa
ama baali noqotaa,
marka ay buseelkiyo
bud dhiggeeda sharafkiyo
inta aan la biimayn
ka gumowdo bilicdiyo
in bisaylka lagu cuno.
Kol hadday baxdoobaan
dadku baydda goostaan,
bido lahashadeediyo
bohorada wax lagu rido
lagu bulo samaantii
isu boodda-dhigashada
sharka loogu beretamo,
naftu baylah weeyee
biri waxay af leedahay
marka baajinteedii
belo lagu halleeyee
inta ba'an la qaayibo.
Marka bidixda oo qudha
lagu qoro run iyo been
taladaa han bururtoo
laba baahiyoodbaa
isku beegmi waayee,
nin bursaday hadduu jiro
nin wax beelay baa nool,
nin badsaday hadduu jiro
ka la boobay baa qaday.
Allahayow bardaankiyo
kala-badhashadii guud
barbar qudha in laga raro
aragtida bannaysaa
bunduqana samaysoo,
bani-aadminnimadii
nin ka baadiyoobaa
badhi furay wanaagoo,
dadku beerihiisay
ka gurtaan bawaarkee.
Shilkan baahay aashii
halisahan gun iyo baar
Bari iyo Galbeed yaal,
jidka lagu boqooliyo
bilqashada dareenkiyo
bara-kaca aqoontii,
dabinnada is biirsaday
nin baraystay falashada
iyo buunka sixirrada
iyo badalli-oogsiga
bixisada la aaminey,
buhashaa ka salagloo
beryo hore sidoodii
ama beelihii Caad
marka doobi buuxsamo
burburkaa yimaaddee,
boqorkaan rugtiisiyo
baradiisu madhanow,
kaan baahan jirinow,
kii baahan jireybaa
kuu baahan Adigee,
baryo waxay ku leedahay;
boholyowga garashada
iyo baaqa hirashada
Allahayow badbaadada
iyo baydhka xilashada
ha ku xidhin Bush iyo Joon
iyo Booris Yaalsiin
iyo bacawda xoorka ah
iyo gaal wax badowsada.
Boholyowga garashada
iyo baaqa hirashada
Allahayoow badbaadada
iyo baydhka xilashada,
ha ku xidhin billaawaha
nimaan Adiga kaa biqin.
Boholyowga garashada
iyo baaqa hirashada
Allahayoow badbaadada
iyo baydhka xilashada,
ha ku xidhin nin beer adag
iyo bahalo aan nixin,
bishmo lala haliiliyo
carrab dhuux baraar jecel
iyo buulka qalatada
iyo haanta Bow-dheer.
Boholyowga garashada
iyo baaqa hirashada
Allhayoow badbaadada
iyo baydhka xilashada,
ha ku xidhin intii baas
bakhti-yahan xalaal neceb
iyo booli-quutaha
damac lagu balleysimey.
Boholyowga garashada
iyo baaqa hirashada
Allahayoow badbaadada
iyo baydhka xilashada,
ha ku xidhin bakhayllada
nin bushaaro uga dhow
balawaaska quustiyo
babbisada adduunyada.
Boholyowga garashada
iyo baaqa hirashada
Allahayoow badbaadada
iyo baydhka xilashada,
ha ku xidhin bayuuraha
bullashada wirteediyo
baga iyo bagaaleey
iyo lihi bar-kuma-taal.
Allahayoow badbaadada
ha ku xidhin bah iyo reer
biya-dhiijin qolo qolo
isu baanka digashada
iyo sheeko-baraleey.
Allahayoow badhaadhaha
Allahayoow barwaaqada
ha ka dhigin baroor dumar
iyo barada meyd yaal
#3
Posté 27 mars 2009 - 08:09
inta lagu badheedhee
Inta aan la burin karin
inta aan la baran karin,
J adore la facon dont le poete jongle avec les mots
Balliyada salkoodii
iyo baaca webiyada
marka boodh ka sare kaco
rahu boholo dheer galo
biyo lagu haloosiyo,
dhulka oo basaasoo
and then he turns around and sais:
Allihii galshiyo baad
ku ballaadhin jirayoow.
Sax Allah le createur..
Inta aan la burin karin
inta aan la baran karin,
biligiyo awoodaa
xejinaaya buuraha
iyo badaha waaweyn,
barakada Qur'aankiyo
bisha lagu xurmeeyiyo
boqortooyadaadiyo
boqolkaaga magac iyo
Bismillaahi keligaa.
Speechless......Allah Waaxid
Allahayoow badbaadada
ha ku xidhin bah iyo reer
biya-dhiijin qolo qolo
isu baanka digashada
iyo sheeko-baraleey.
A bon entendeur
Ce message a été modifié par mimi2005 - 27 mars 2009 - 08:13 .
#5
Posté 27 mars 2009 - 09:40
van.dj, le Thursday 26 March 2009, 20:21, dit :
waa sidee ,fikradiihiina ,
walaal sideed u aragtaan
afsoomaaliga iyo qoraalkiisa
Salam marka horee waan ka heley gobeyka Hadrawi, maarka labaad waa gobey Allah bari aah nin reerki u Allah baryaya inu bahi dumaar ka badbaadiyo!!!!!!!!!!!

Bismillaahi oohow!
Runtu aydin maahee
Bal adeentideedii
Oohow! Ka oohow!.
Dhulku waa ammaanee
Abbaan-duulihiisow
Adhi raacistiisii
Ma-Orgaad ka tahay weli
Asaraarka maantii
Ka il nugul habeenkii?
Bogashada iddiisiyo
Wax ka maqan asaaggii
Nin ku helay il-duufkow
Hadba doqon-aroorkiyo
Hadba oon-ku-fuliddiyo
Indha-garashadeediyo
ILLowgeeda badan baa
Gelin qudha intaadiyo
Kugu baray er’erigee,
Haddaad aammin-doon tahay
Eedahaaga biiraa
Aqal maaha laga galo
Arrin lagugu leeyahay.
Marba waxay aslaysaa
Asal lagu-xumeeyee
Asliddeeda mooyee,
Isu eeddo weeyoo
Arbacaa ka werisoo
Waxay tidhi Isniintii
Ku idlaatay xagashadu;
“IL-baxnimadu waa yaab,
Maanta iibsadeediyo
Axaddeedu badanaa!
Weli waa ayaantii
Lagu cunay ayaankee
Immisaa ka hadhay tolow
Berritiyo amaahdii
Lagu qoray albaabada?”
Afo waa ninkeediyo
Arbe dheelli tiri kara,
Aarna waa dhiggiisiyo
Oori laysku dherersado,
Aragtida midaysiyo
Dadna urur ku qaan gaadh.
Wacashada Ibleyskaa
Indha-beelka sidatee
Dhulka obolos baa shilay,
Waxa lagu agaasimey
Asaroorintiisoo
Erayada tix-gelintiyo
Ummadaynta ficilkiyo
Innagaa ka madhatoo
Hadba inan qolaystiyo
Isagaa ku badatoo
Magacyada Ukulidiyo
Alabbada fal-tuuggiyo
Anigaa ku tarantoo
Asma lagu xabaaliyo
Werwer bay ku aaseen.
Dhal Aboodi weeyoo
Intatabo ma weydee
Adhaxday ka jiiftaa
Addinkay ka tahay maya
ILLinkaa fal kaga jabay
Cabsi bay ku oodeen.
Waa adduunyo teedii
Ifafaalayaashii
Aammanuun ka soo yiil.
Waa iliilaheedii
Agankiyo lurkeedii,
Waa Aroosanteedii
Indhal-furashadeedii.
Marna Ayro-jookhiyo
Ula-dhabanta soofkiyo
Amba-qaadka jaantaa
Kasha lulan ilaysoo
Tabashada ob-siisoo
Ha ekaatadeedaa
Af-yaqaanku seesaa.
Lasoco... a suivre!!!!!!!!!
1. Dis: "Il est Allah, Unique.
2. Allah, Le Seul à être imploré pour ce que nous désirons.
3. Il n´a jamais engendré, n´a pas été engendré non plus.
4. Et nul n´est égal à Lui". Sourate.112 V.1&4
2.136 Dites: "Nous croyons en Allah et en ce qu´on nous a révélé, et en ce qu´on n´a fait descendre vers Abraham et Ismaël et Isaac et Jacob et les Tribus, et en ce qui a été donné à Moïse et à Jésus, et en ce qui a été donné aux prophètes, venant de leur Seigneur: nous ne faisons aucune distinction entre eux. Et à Lui nous sommes Soumis". Sourate Al-Baqara V.136
3.53 Seigneur! Nous avons cru à ce que Tu as fait descendre et suivi le messager. Inscris-nous donc parmi ceux qui témoignent".
1. Ceux qui témoignent: qu'il n'y a pas d'autres divinités à part Allah et que Muhammad(pbAsl) est le Messager d'Allah.
2. Ceux qui témoignent: qu'Allah est Unique Issa(Jésus)(Alehi Salam) est un Prophete.
47.7 Ô vous qui croyez! si vous faites triompher (la cause d´) Allah, Il vous fera triompher et raffermira vos pas. Sourat Muhammad V.7
Dieu le Très-Haut dit: "Tu jouis certainemet(Ô Mohammad) d'une très grande moralité"
Chapitre 68- V.4
#7
Posté 27 mars 2009 - 10:01
Dulmar, le Friday 27 March 2009, 9:32, dit :

Bismillaahi oohow!
Runtu aydin maahee
Bal adeentideedii
Oohow! Ka oohow!.
Dhulku waa ammaanee
Abbaan-duulihiisow
Adhi raacistiisii
Ma-Orgaad ka tahay weli
Asaraarka maantii
Ka il nugul habeenkii?
Bogashada iddiisiyo
Wax ka maqan asaaggii
Nin ku helay il-duufkow
Hadba doqon-aroorkiyo
Hadba oon-ku-fuliddiyo
Indha-garashadeediyo
ILLowgeeda badan baa
Gelin qudha intaadiyo
Kugu baray er’erigee,
Haddaad aammin-doon tahay
Eedahaaga biiraa
Aqal maaha laga galo
Arrin lagugu leeyahay.
Marba waxay aslaysaa
Asal lagu-xumeeyee
Asliddeeda mooyee,
Isu eeddo weeyoo
Arbacaa ka werisoo
Waxay tidhi Isniintii
Ku idlaatay xagashadu;
“IL-baxnimadu waa yaab,
Maanta iibsadeediyo
Axaddeedu badanaa!
Weli waa ayaantii
Lagu cunay ayaankee
Immisaa ka hadhay tolow
Berritiyo amaahdii
Lagu qoray albaabada?”
Afo waa ninkeediyo
Arbe dheelli tiri kara,
Aarna waa dhiggiisiyo
Oori laysku dherersado,
Aragtida midaysiyo
Dadna urur ku qaan gaadh.
Wacashada Ibleyskaa
Indha-beelka sidatee
Dhulka obolos baa shilay,
Waxa lagu agaasimey
Asaroorintiisoo
Erayada tix-gelintiyo
Ummadaynta ficilkiyo
Innagaa ka madhatoo
Hadba inan qolaystiyo
Isagaa ku badatoo
Magacyada Ukulidiyo
Alabbada fal-tuuggiyo
Anigaa ku tarantoo
Asma lagu xabaaliyo
Werwer bay ku aaseen.
Dhal Aboodi weeyoo
Intatabo ma weydee
Adhaxday ka jiiftaa
Addinkay ka tahay maya
ILLinkaa fal kaga jabay
Cabsi bay ku oodeen.
Waa adduunyo teedii
Ifafaalayaashii
Aammanuun ka soo yiil.
Waa iliilaheedii
Agankiyo lurkeedii,
Waa Aroosanteedii
Indhal-furashadeedii.
Marna Ayro-jookhiyo
Ula-dhabanta soofkiyo
Amba-qaadka jaantaa
Kasha lulan ilaysoo
Tabashada ob-siisoo
Ha ekaatadeedaa
Af-yaqaanku seesaa.
Lasoco... a suivre!!!!!!!!!
Dulmar J e n ai rien pige
afsoomal waaweyn weyeh kanu
wuxu ka hadlaah " ilbax nimo miya??
biira? bierre miya?...
yaax Dulmar j aurais besoin de ton aide ma chere.
Ce message a été modifié par mimi2005 - 27 mars 2009 - 10:01 .
#8
Posté 27 mars 2009 - 11:44
Gabow mooyee ku tarin
Garaad iyo waayo arag
Inlayn waxma dhaantid geed!”
- Gaarriye.
#10
Posté 27 mars 2009 - 02:23
hashaan maqasha iska celin
haraantin taaney dhalin
markey hiigaan nirguhu
jilaalkii bey hadhaa
(requiert un niveau avancé en somali

hambana waa la isku nacay (right!)
higaadana igu afgaro
dharaarba ninkaan ka helo
habeenkii kuma dhexee
hantidu wey ii dhan tahay
(Typiquement Djiboutienne )
xishood hodan baan ka ahay
xayihii baan soo huwadey
hablaha soomaaliyeed
hayaay waa loo dhintaa
hagoogtaa waxa lahaa
kuwii waa heermi jirey
dharkaa hayruufayana
sidaan sheekada ku heley
hadii aanad meelna jirin
ruuxii kuu hiiliyana
inaad yeeshaa haboon
haraaga nin laa tabee
hurdaay reerkeenii guur
horseed kuu baaqey iyo
kusoo heley baan ahee
makuu gacan haadiyaa
hoobaanta makuu guraa
haldhaa baa la yidhaa
heensihii baan wali sitaa
hidihii la wada yiqiin
asluubtii hooyadey
hormuud baan dhaqan u ahay
inaan hir gashaan jeclahay
huf iyo been kuma lugo'o
hirkaa qaawinida dhalay
in lagu hoobtaan ogahay
haboowdaye waxaan ku idhi
hugaaga iyo kaan xidhnahay
labada kee haybad wacan ( laba cali kuma wada hadli karaan OF COURSE YOURS)
hilbona keenee asturan (adiga ma djiboutienne bien aimée)
Ce message a été modifié par iyO - 27 mars 2009 - 02:31 .
#11
Posté 27 mars 2009 - 02:36
iyO, le Friday 27 March 2009, 14:15, dit :
hashaan maqasha iska celin
haraantin taaney dhalin
markey hiigaan nirguhu
jilaalkii bey hadhaa
(requiert un niveau avancé en somali

hambana waa la isku nacay (right!)
higaadana igu afgaro
dharaarba ninkaan ka helo
habeenkii kuma dhexee
hantidu wey ii dhan tahay
(Typiquement Djiboutienne )
xishood hodan baan ka ahay
xayihii baan soo huwadey
hablaha soomaaliyeed
hayaay waa loo dhintaa
hagoogtaa waxa lahaa
kuwii waa heermi jirey
dharkaa hayruufayana
sidaan sheekada ku heley
hadii aanad meelna jirin
ruuxii kuu hiiliyana
inaad yeeshaa haboon
haraaga nin laa tabee
hurdaay reerkeenii guur
horseed kuu baaqey iyo
kusoo heley baan ahee
makuu gacan haadiyaa
hoobaanta makuu guraa
haldhaa baa la yidhaa
heesta faduma cali ku luqeeyso
naaneesta "haldha" ma heestan ayay ugu baxday ???
#14
Posté 27 mars 2009 - 05:40
lacAssal, le Friday 27 March 2009, 14:28, dit :
naaneesta "haldha" ma heestan ayay ugu baxday ???
Exact, She was playing the role of the good girl
habeenoy hebedka geel
hashaan maqasha iska celin
haraantin taaney dhalin
markey hiigaan nirguhu
jilaalkii bey hadhaa
(requiert un niveau avancé en somali )
hashu elle represente ici une jeune fille.
haday nirgaha kale ay nuugan oyna keeda ku koobnaan
then jilaalki tabcaan bay noqon xoolaha kaleh way ka hadhi
Means gabadha xooleeheega

then waa magac beesha qarkeed ay ka hadha
cidi guur ka dayi mayso camal no
the whole thing is a metaphore"
it is for basically to blame "a sexual active woman"
that is all.
Ce message a été modifié par mimi2005 - 27 mars 2009 - 05:42 .
#15
Posté 27 mars 2009 - 05:45
Dareema waxaan macnayntiisa kalmaduhu ay igaba
Lumaan oo sida wiil gabadh aad iyo aad u jecel oo
Mudo sanad iyo dheeraad aan arag oy ortiisa ay isasoo
Taagtay oo markuu lahadal is idhi hadalkuba ka lumay.
Intaas waxaan uga wadaa makaan afkayga hooyo wax ku
Qoro ayaan ka farxad badana markaan af kale amase afaf
Kale aan wax ku qoro
Idin kunaa sideed wax u aragtaan inta afsoomaaliga
Ku hadashaay
Dhammaantiin waad wada salaamtihiin
Partager ce sujet :
- (7 Pages)
-
- 1
- 2
- 3
- →
- Dernière »