
Wafdi isugu jiraa Abaawaano iyo Fannaaniin ayaa maanta soo gaaray magaalada Boosaaso, iyadoo ay soo dhaweyn heer sare ah u sameeyeen kooxaha fanka ee ka jira Puntland iyo masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Xukuumadda.
Waxaa Wafdigan horkacayay Abwaan Maxamuud C/llaahi Ciise Sangub, waxaana ay ka soo kicitimaan dalka Jibouti halkaasoo xarun u ahaa Kooxda Deegaan ee dalka Jibouti, iyadoo arinta ay u yimaadeen ay tahay in bandhig faneedyo ay ka sameeyeen meelo ka mid ah Puntland.
Fannaantii la socotay Abwaanka waxaa ka mid ahaa Caasho Bisle iyo Majaajiliistaha caanka ah ee Caws,waxaana markii dambe loo galbiyay hotelka Panorama oo ay deganaanayaan inta ay joogaan Boosaaso.
Abwaan Maxamuud C/llaahi Sangub ayaa sheegay in uu aad ug faraxsan yahay imaansha Puntland, isagoo intaasi ku daray in hambalyo iyo salaan uu u dirayo dhamaan shacabka Puntland.
Sidoo kale waxaa magaalada Boosaaso iyana dhawaan soo gaaray fannaaniinta kala ah Xasan Wado iyo C/laahi Mire Dacar Shey si ay uga qayb qaataan bandhigyada lagu wado in lagu qabto meelo ka mid ah Puntland.
Waa markii labaad oo uu Abwaan Sangub soo gaaro gudaha Puntland laga soo bilaabo sanadkii 1973 markaasoo ay socotay Riwaayaddii Qabriigii Jacaylka,waxaana imaanshaha kooxdan ay ku soo beegmaysaa, iyadoo kooxda Walaalaha ee gobolka Bari ay dhawaan safar ku tageen Dalka Jibouti.
Why Magaalada Boosaaso what about Dire Dawa or Xamar maa siyaad saad baa kaada baysa Talow À SUIVRE
Source: Hiiraan.com